Wasiir Fiqi oo booqday Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ( SODMA)

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed( SODMA) oo ka mid ah Hay’adaha Hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiint XFS.

Wasiirka ayaa la siiyay warbixin ku aaddan howlaha ay qabaty Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, kuwa socda iyo qorshayaasha Mustaqbalka Dhaw iyo kuwa fog.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa mid mid u kormeeray Xafiisyada Xarunta Cusub ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo dhawaan la dhisay.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Hoggaaanka iyo Howlwadeennada Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa bogaadiyay shaqada Wanaagsan oo ay qabatay Hay’adda, iyadoo ay jiraan duruufo adag, wuxuuna tilmaamay Wasiirka in loo baahanyahay Soomaaliya in ay noqoto dal deeq bixiya ah oo caawin karo dalalka saaxibada la ah ay garab uga baahdaan, sidaasi darted in Hay’adda ay qaabayso Arrimahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...