Wasiir Fiqi oo booqday Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ( SODMA)

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed( SODMA) oo ka mid ah Hay’adaha Hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiint XFS.

Wasiirka ayaa la siiyay warbixin ku aaddan howlaha ay qabaty Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, kuwa socda iyo qorshayaasha Mustaqbalka Dhaw iyo kuwa fog.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa mid mid u kormeeray Xafiisyada Xarunta Cusub ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo dhawaan la dhisay.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Hoggaaanka iyo Howlwadeennada Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa bogaadiyay shaqada Wanaagsan oo ay qabatay Hay’adda, iyadoo ay jiraan duruufo adag, wuxuuna tilmaamay Wasiirka in loo baahanyahay Soomaaliya in ay noqoto dal deeq bixiya ah oo caawin karo dalalka saaxibada la ah ay garab uga baahdaan, sidaasi darted in Hay’adda ay qaabayso Arrimahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...