Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta guddoomiyey Kulan ay yesheen Golaha Shcabka

Date:

Muqdisho, Febraayo ,20,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Dhowrista Xogta, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka iyo akhrinta koowaad ee Sharciga la dagaallanka Argagaxisada. Sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Hindisa Sharciyeedka Socdaalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa ka doodaday Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Xukuumadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta iyo keydinta xogta qaranka loona baahan yahay in qorshe cad loo yeelo keydinta xogta muwaadinka iyo tan dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al Makhdzoumi ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka  hortiisa ka aqrisay Hindisa Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah uu siinayo maareeynta horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ku teedsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka u akhriyay Cutubyo ka kooban  Sharciga la dagaallanka Argagaxisada, kaas oo uu wasiirku sheegay hadii la meelmariyo uu noqon doono sharci soo afjaraayo xukunka argagixisada iyo waxkasta oo ku lug leh falalka argagaxisinimo, waxaana xildhibaannadda qaar ay soo jeediyeen in lagu saleeyo Diinta Islaamka magaca sharcigana laga dhigo (Sharciga Argagixisada iyo La Dagaallanka Fikirka Xagjirka).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda dib loo dhigo si laisku soo laabto kulamada kale laguna dhameystiro dooda Sharciga La Dagaallanka Argagaxisada iyo sharuucda kale ee Golaha la horkeenay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...