Dibad baxayaal reer Moldova ah oo cod sadey inuu soo fara geliyo Ruushka

Date:

Dhanka hoose ee baarlamaanka dalka Moldova,ayaa waxaa si tartiib tartiib ah u dhaafay – oo ay bas ku soo galeen kun qo,f oo ka kala yimid dalka oo dhan, mid walbana wuxuu wataa sheeko gaar ah oo ku saabsan faqri iyo niyad jab.

“Waxaan nahay wax lagu qoslo – dowladdu way nagu majaajilootaa,” Ala oo kamid ah dibad baxyaaasha, ayaa sidaasi sheegtay.

Iyada oo xiran koofiyad dhogor buluug ah, ayay wejigeeda oo ay caro ka muuqato u soo jiidday dhinacayga, oo waxay tiri: “Waxaa jira dad leh afar ama shan carruur ah, oo aan haysan wax ay cunaan.”

Biilasha dhanka tamarta halkan haatan, ayaa waxaan ku bixinnaa in ka badan 70% dakhliga qoyska, sida uu sheegay madaxweynaha Moldova.

Ala waxay ii sheegtay inay liqeen kala bar hawlgabkeeda.

“Markii aan dooranay dowladdan, waxay ballan qaadeen inay kordhinayaan mushaaraadka iyo lacagta hawlgabka, laakiin illaa hadda ma aanaan arag wax la kordhiyey,” ayay tiri.

Mudaaharaadyada Axaddii dhacay, oo uu soo qaban qaabiyay xisbiga Moldova ee taageersan Ruushka ee la yiraahdo Sor, ayaa waxaa si dhow isha ugu haya dowladaha Yurub iyo kuwa kale.

Inta badan mudaaharaadayaashu, ayaa waxay bas ku tageen magaalada caasimadda ah ee Chisinau, iyadoo la sheegay in kharashkooda uu daboolay xisbiga Sor.

Maalmo ka hor inta uusan kulanka dhicin, ayaa madaxweyne Maia Sandu, waxay ka digtay in Ruushku uu qorsheynayo in uu dalka u soo diro kooxo sida ciidanka u tababaran oo qaswadayaal ah, oo iska dhigaya dad rayid ah si ay u ridaan dowladeedda reer galbeedka u janjeerta.

Ruushka ayaa sheegay in eedaymahan ay tahay isku day ay mas’uuliyiinta Moldovan ku doonayaan, inay dareenka ka weeciyaan, taasoo ka timid caqabadaha bulsho iyo dhaqaale ee iyaga u gaar ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waajid

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir muhiim uga qeyb galay Qaahira

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa...