Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya

Date:

Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo Wasiiru Dowlaha Mudane  Axmed Cismaan Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka guddiga iyo wasaaradda

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay hortebinta u leh, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha mudnaanta u leh Guddiga.

Wasiirka ayaa jawaabo ka siiyey arrimihii wax laga weydiyey ee ku saabsanaa shaqada wasaaradda iyo heshiisyadii ay lasoo galeen wadamada uu la kulmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena...

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...