Kooxda Taliban-ta Pakistan oo sheegatay weerar lagu qaaday xarunta booliska Karachi

Date:

Koox dabley ah oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin ayaa weerar ku qaaday xarunta booliska ee magaalada Karachi ee ugu weyn dalka Pakistan fiidnimadii Jimcaha. Goobta weerarku ka dhacay ayaa laga maqlay is-rasaasayn xooggan oo saacado qaadatay, taas oo dhex martay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof.

Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Talibanta Pakistan, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa “hawlgal is-miidaamin ah” waxayna ballan qaadday kooxdaasi inay faahfaahin dheeraad bixin doonto dhawaan.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in saddex ka tirsan ciidamada booliska iyo hal askari oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran, inay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay weerarka. Murtaza Wahab Siddiqui ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 19 qof ay ku dhaawacmeen, isaga oo sheegay in mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadya inay ahaayeen 8 illaa 10 qof, kuwaas oo watay baabuur, sidoo kalena ku tuuray bambooyinka gacanta, markii ay marayeen irida hore ee xarunta booliska.

Ka dib markii la dilay saddex ka mida kooxda weerarka soo qaaday ayaa keentay in go’doomintu ay soo afjaranto.

Si kastaba ha ahaatee lama oga, halka ay ku dambeeyaan intii kale ee maleeshiyada weerarka soo qaaday, inkasta oo ay jiraan xubno isqarxiyey intii weerarku socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...