Kooxda Taliban-ta Pakistan oo sheegatay weerar lagu qaaday xarunta booliska Karachi

Date:

Koox dabley ah oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin ayaa weerar ku qaaday xarunta booliska ee magaalada Karachi ee ugu weyn dalka Pakistan fiidnimadii Jimcaha. Goobta weerarku ka dhacay ayaa laga maqlay is-rasaasayn xooggan oo saacado qaadatay, taas oo dhex martay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof.

Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Talibanta Pakistan, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa “hawlgal is-miidaamin ah” waxayna ballan qaadday kooxdaasi inay faahfaahin dheeraad bixin doonto dhawaan.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in saddex ka tirsan ciidamada booliska iyo hal askari oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran, inay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay weerarka. Murtaza Wahab Siddiqui ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 19 qof ay ku dhaawacmeen, isaga oo sheegay in mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadya inay ahaayeen 8 illaa 10 qof, kuwaas oo watay baabuur, sidoo kalena ku tuuray bambooyinka gacanta, markii ay marayeen irida hore ee xarunta booliska.

Ka dib markii la dilay saddex ka mida kooxda weerarka soo qaaday ayaa keentay in go’doomintu ay soo afjaranto.

Si kastaba ha ahaatee lama oga, halka ay ku dambeeyaan intii kale ee maleeshiyada weerarka soo qaaday, inkasta oo ay jiraan xubno isqarxiyey intii weerarku socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...