Agaasimaha STNV oo kulan shaqo u tagay dalka finland

Date:

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame oo ku sugan dalka Finland ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda dalkaas,iyadoo kulankaas looga hadlay iskaashiga labada dowladood.

Agaasimaha ayaa Masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda Finland warbixin ka siiyay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka Khawaarijta si gaar ah dhanka Warbaahinta.

Sidoo kale Agaasime Sharmake ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Telefshinka qaranka wadanka Finland, waxa uuna uga waramay hormarka warbaahinta qaranka iyo dadaalka loogu jiro sidii bulshada Soomaaliyeed loogu shaqeyn lahaa.

Agaasimaha ayaa kormeer ku maray qeybaha uu ka kooban yahay Telefishinka qaranka Finland waxa uuna Yle uga mahad celiyay wadashaqeynta labada warbaahin ee SNTV iyo Yle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...