๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ง๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

Date:

Muqdisho, Feberaayo 15, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga.

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka โ€” Mudane Xasan Macallin Maxamuud
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta โ€” Mudane Axmed Macallin Fiqi
  3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare โ€” Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
  4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
  6. Suldaan Cabdiqani Qorane
  7. Cumar Xasan Maxamed
  8. Axmed Maxamuud Yuusuf
  9. Axmed Shirwac Maxamed
  10. Duniya Maxamed Cali
  11. Prof. Xuseen limaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrikaย 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee...