Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa kordhisay mudada ay socaneyso is-diiwaan gelinta macalimiinta ay qaadaneyso, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh.
Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in markii ay soo gaartay cabasho ka timid dadwaynaha qaarkii, gaar ahaan kuwa gobollada fog fog oo ay ku adkaatay adeegga isgaarsiinta iyo tas-hiilaadka la xiriira, waxaa ay Wasaaraddu go’ aansatay in dalabka qaadashada macallimiinta iyo tababarayaasha lagu daro muddo 3 maalmood ah, kana bilaabanaysa 14ka Febaraayo”
Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Axmed Cusmaan Ibraahim ayaa lahadlay warbaahinta Qaranka waxana uu faah-faahin ka bixiyey warka Wasiirka Waxbarashada XFS.