Ra’iisul Wasaare Hamse oo qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Robert Andrew Piper oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladaha nololeed ee dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka heysta dadkaasi malaayiinta qof ah ee ku sugan xeryaha.

Mudane Xamse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa barakacayaasha, gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku waayay hantidoodii abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimillada, isagoo ku ammaanay Qaramada Midoobay dadaalka ay waddo ee wax loogu qabanayo dadka barakacay.

Dhankiisa, La-taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha ayaa ku ammaanay Xukuumadda dadaallada lagu caawinayo barakacayaasha, isagoo xusay in QM ay qaadayso tallaabooyin ay wax ugu qabanayso dadka barakacay ee ku sugan 16 waddan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dhibaatooyinka sababay barakaca gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah abaaraha, colaadaha iyo argagixisada oo go’doon galisay deegaannada ay ku sugan yihiin, si aan dadka gurmad loo gaarsiin. Sidoo kale isbeddelka cimilada ayaa sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo beerashada in uu nabaad guuro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...