[DAAWO] Ra’iisul Wasaraha XFS oo guddoomiyey shirka looga hadlayay xoojinta Amniga caasimada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay  kulan looga hadlayey amniga guud ee Caasimadda, Xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo Wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amniga iyo Bulshada Caasimada.

Kulanka ayaa warbixinno ku saabsan amniga Caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee Bulshada Caasimada looga dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga, iyadoona uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku adkeeyey in laga feejignaado dhagaraha iyo qatarta Khawaarijta maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Qeybaha, Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal ka tirsan labada Xafiis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...