MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN LOO MIDOOBO CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA SI LOO XAQIIJIYO DUNI NABDOON”.

Date:

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN LOO MIDOOBO CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA SI LOO XAQIIJIYO DUNI NABDOON”.

Rome, Febaraayo 10, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...