Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka iyo Wasiiradda Gargaarka Maamul Goboledyada oo la kulmay Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa tacsi ku aadan dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga ugu tegay Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli.

 

Guddoomiyaha oo ku hadlayay magaca hay’adda ayaa yiri “ Waxaan xanuunka la qeybsanaya Dowladda iyo shacabka Turkiga ee aan walalaha nahay”.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha iyo wasiirrada ayaa saxiixay buuga tacsida, iyada oo uu alle kaga baryay dadkii halkaasi ku dhintay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna Ilaahay u booga dhayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...