Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Marwo Sasirit Tangulrat  oo ah Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya.

 

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wadahadlay kaalinta kaga aadan xoojinta iyo hagaajinta xiriirka laba dal, iskaashi ku saabsan la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrida ah iyo tageero farsamo oo dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah.

 

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee dhexmara wasiirka iyo danjiraha ayaa is faham ku soo dhammaaday, waxaana lagu ballamay iyo sida wadajir ah looga shaqeeyo dhammaan arrimaha laga wadahadlay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...