Booliska Soomaliya oo Muqdisho xalay ku dilay dhagarqabe katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Ciidanka booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa xalay  toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Argagaxisada Al-Shabaab, kadib markii isaga iyo labo nin oo kale ay weerar ku qaadeen Bar-control oo ciidan ka tirsan booliska ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee ciidanku ka sugayaan amniga ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan ciidanka, balse ciidanka ayaa mid kamid toogtay, dhagarqabaha la toogtay ayaa watay qori RBG ah oo hadda ay la wareegeen ciidanka booliska Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Sidookale Ciidanka Booliska ayaa ku raad jooga labadii kale ee la socotay Ninka la tooktay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...