Taliyaha Cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyed oo wehliyaan ku xigeenadiiisa iyo wasiir dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Agaasimaha Guud ee Wasaraada Amniga, Wakiila hay’ada UNOPS, Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Afhayeenka Ciidanka Boliiska, ayaa xariga ka jaray Saldhigga Cusub ee Degmada waabari oo loo dhisay qaab casri.
Sidookale masuuliyiintaan ayaa dhagax dhigay Qeybta baarista CID-da Ciidanka Booliska Soomaaliyed oo lagu kordhiyay qeybo Cusub,
Waxaana dowladda Soomaaliya mashaariicdaan ka taageeray dowladaha Uk, Germany iyo Midowga Yurub kuwaas oo kamid ah dalalka dowladda Soomaaliya ka taageera arimaha Ciidamada.