Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Maanta Gaartay Magaalada Baladweyne

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi aay hoggaamineyso ayaa maanta Beledweyne u gaaray dhismaha garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye Xildhibaan Cabdirsaaq Macalin Ciid oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka ahne guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin iyo madax kale oo maamulka kamid ah ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdiaan ay hoggaamineysay ayaa kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif gaar ahaan qeybta diyaaradaha ku ordaan oo bur-burka ka muuqda aawgiis halis ugu jiryo  garoonkaas in uu xirmo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...