Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Maanta Gaartay Magaalada Baladweyne

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi aay hoggaamineyso ayaa maanta Beledweyne u gaaray dhismaha garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye Xildhibaan Cabdirsaaq Macalin Ciid oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka ahne guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin iyo madax kale oo maamulka kamid ah ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdiaan ay hoggaamineysay ayaa kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif gaar ahaan qeybta diyaaradaha ku ordaan oo bur-burka ka muuqda aawgiis halis ugu jiryo  garoonkaas in uu xirmo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...