Ukraine iyo Ruushka oo maxaabiis is weydaarsaday

Date:

Dowladaha Ukraine iyo Ruushka, ayaa sameeyay is dhaafsigoodii ugu dambeeyay ee maxaabiista – kaasoo noqonaya midkii labaad ee sanadkan ilaa iyo haatan.

Maamulka Kyiv, ayaa sheegtay in boqol iyo lix iyo toban ka mid ah askarteeda, la sii daayay. Maamulka Moscow, ayaa Iyana waxay sheegeen in saddex iyo lixdan ka mid ah shaqaalaheeda lasii daayay.

Madaxa shaqaalaha ee madaxweyne, Zelensky, ee (Andriy Yermak), ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ee la sii daayay ay ku jiraan ciidana difaacayey Mariupol, qayb ka tirsan Kherson, iyo kuwa wax toogta ee ka dagaalamayay Bakhmut, iyo sidoo kale laba qof oo hawlgalo gaar ah qaabilsanaa.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in isweydaarsiga ay ku jiraan qaar kamid ah dad u dhsahey Ruushka, oo ay ku tilmaantay dowladda ‘kuwo aad muhiim ugu ah’, taasoo ay uga mahad celinayaan dhexdhexaadinta ay sameysay Imaaraadka Carabta.

Meydadka labo mutadawiciin ah oo British ah oo lagu dilay bariga dalka Ukraine bishii Janaayo, ayaa la helay, iyagoo qeyb ka ah maxaabiis ay is dhaafsadeen Ruushka.

Ma aysan cayimin dowladda Ruushka, waxay sameeyeen dadkii dhex dhexaadiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...