Ukraine iyo Ruushka oo maxaabiis is weydaarsaday

Date:

Dowladaha Ukraine iyo Ruushka, ayaa sameeyay is dhaafsigoodii ugu dambeeyay ee maxaabiista – kaasoo noqonaya midkii labaad ee sanadkan ilaa iyo haatan.

Maamulka Kyiv, ayaa sheegtay in boqol iyo lix iyo toban ka mid ah askarteeda, la sii daayay. Maamulka Moscow, ayaa Iyana waxay sheegeen in saddex iyo lixdan ka mid ah shaqaalaheeda lasii daayay.

Madaxa shaqaalaha ee madaxweyne, Zelensky, ee (Andriy Yermak), ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ee la sii daayay ay ku jiraan ciidana difaacayey Mariupol, qayb ka tirsan Kherson, iyo kuwa wax toogta ee ka dagaalamayay Bakhmut, iyo sidoo kale laba qof oo hawlgalo gaar ah qaabilsanaa.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in isweydaarsiga ay ku jiraan qaar kamid ah dad u dhsahey Ruushka, oo ay ku tilmaantay dowladda ‘kuwo aad muhiim ugu ah’, taasoo ay uga mahad celinayaan dhexdhexaadinta ay sameysay Imaaraadka Carabta.

Meydadka labo mutadawiciin ah oo British ah oo lagu dilay bariga dalka Ukraine bishii Janaayo, ayaa la helay, iyagoo qeyb ka ah maxaabiis ay is dhaafsadeen Ruushka.

Ma aysan cayimin dowladda Ruushka, waxay sameeyeen dadkii dhex dhexaadiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...