Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha DG Galmudug Cumar Cabdi Maxamed (Omar Gure) Oo Sheegay in Golle deegaan loo Sameyn Doono Degmooyinka Galmudug ee Laga Xoreeyay dhawaan khawaarjta Al-shabaab.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha gudaha Galmudug Omar Gure ayaa sheegay in si ay adeegyada bulshada ee aas-aasiga ah u helaan dadka ku nool Degmooyinka laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab ay Dowladda Galmudug ka hirgelinayso Degmooyinkaas Maamulo dadku soo dooran doonaan sida dhismaha Goleyaasha Deegaanka oo horseed u noqon kara Horumarka Degmooyinkaas.
Hadalka Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ayaa ku soo aaday iyadoo guul weyn ay Galmudug ka gaartay Dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta Al-shabaab, lagana saaray dhul balaaran oo ka tirsan Galmudug.