[DAAWO] Madaxweynaha Jubaland ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliiska maamulkaas

Date:

Madaxweynaha  Maamulka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar u soo xiray  dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubbaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...