Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo dilay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab

Date:

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ku dilay ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ku jiray horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa deegaanka Jannaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa xaqiijiyey dilka kooxdaan, sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...