Israa’iil: “Dhamaadka sannadkan waxaa la dhamaystirayaa xidhiidhka diblomaasi ee aan la leenahay ee Sudan”

Date:

Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa sheegay inuu rajaynayo in la dhamaystiro xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Sudan iyo Israa’iil, dhammaadka sannadkan, xilli uu ka soo laabtay socdaal diblomaasiyadeed oo uu ku tegey dalka Sudan.

Eli Cohen oo la hadlay warbaahinta, ka dib safariisa halka maalin qaatay ee uu ku tegey Khartoum, ayaa sheegay inuu kulamo heersare ah la qaatay hoggaamiyayaasha milateriga, oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha Sudan Abdel-fattah Burhan oo dalkaas soo xukumayey tan iyo markii uu afgembigu dhacay sannadkii 2021.

“Heshiiska ayaa la filayaa in la saxiixo sanadkan, wuxuuna noqonayaa kii afaraad” ee noociisa ah, ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil, isaga oo tixraacaya heshiisyadii lagu hagaajinayey xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sudan iyo Morocco, kaas oo uu door ka qaatay Maraykanku.

Ku dhawaaqistan ayaa ka caawin karta ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu dareenka ka jeediyo rabshadihii dhowaan ka dhex dhacay Falastiiniyiinta iyo maamulkiisa, iyo weliba cadhada xooggan ee ka dhalatay qorshihiisa ku aaddan isbedelka dhinaca garsoorka.

AP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...