Guddiga Odayaasha Dhaqanka ayaa maanta bilaabay qeybinta qoondooyinki loogu talagalay in lagu wareejiyo dadki waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 23-kii December 2022, waxaana goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga Farsamada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Farsamada iyo La-taliyaha Amniga iyo Siyaasadda ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Xasan Idiris.
Guddiga Malaaqyada Dhaqanka oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Golaha Odayaasha Dhaqanka Malaaq Maxamed Yacquub Deerow, xubno ka socday guddiga ayaa lagu wareejiyay wakiiladda dadkii ku wax yeeloobay iyo milkiilaha gurigga uu deganaa wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Mudane Maxamed Aadan Farkeeti, waxaana isla goobta ka mahadceliyay wakiiladda lacagta lagu wareejiyay.