Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo magaalada Dakar kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dakar ee dalka Senegal kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw. Wasiirka ayaa u sheegay Bangiga in Soomaaliya marka deymaha laga cafiyo ay mashaariic badan u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale ka wadahadlay mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee Bangiga uu ka taagero Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga...

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan doceedyo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti iyo Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...