Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS , Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada

Date:

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada kaasi oo warbixinno kala duwan oo ahmiyad gaar ah u leh barnaamijka xukuumadda uu kaga dhagaystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa,uud Aweys ayaa soo jeediyey warbixin la xiriirta xafiiska isku xirka iyo jihaynta macluumaadka hay’adaha dowladda, kaasi oo midayn kara fariimaha ay dowladdu la dawaagayso bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada, Saciid Maxamed Cali ayaa isna kulanka ku soo bandhigay warbixin kooban oo la xiriirta hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka kaasi oo horyaala golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa faray Guddiyada Heer Wasiir ee Barnaamijka Xukuumadda ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada in ay dedejiyaan qorshaha xasilinta goobihii dhawaan laga xoreeyey Khawaariijta, isla markaana bulshada ku dhaqan deeganadaa la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga sida goobo caafimaad, waxbarasho iy saldhigyo booliis, si bulshadaasi u hesho xuquuqdoodii dowladnimo.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...