Gudoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta

Date:

Gudoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Imaaraad-ka carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada hadleen dowrka dowlada imaaraad-ka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowlada imaaraad-ka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xureeyay kooxaha khawaarij-ta

Safiirka Imaarad-ka Carabta ee Soomaaliya danjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u balan qaaday Hayadda Maareynta Masiibooiyinka in ay sii wadi doonaan garab istaaga shacabka Soomaaliyeed

Gudoomiyaha ayaa markii uu kulanka dhamaaday ku wareejiyay  Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi warqad mahadnaq ah iyo hadiyad oo ka turjumeysa dhaqanka wanaagsan ee Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...