Dowladda iyo Culumada Soomaaliyeed oo u midoobay sidii loo ciribtiri lahaa fikirka gurracan ee xagjirka

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu gorfeynayo sidii loo ciribtiri lahaa fekerka gurracan ee xagjirnimada iyo waafajinta dowladnimada ayaa waxaa baaqyo mideysan kasoo jeediyay madaxda dowladda iyo Culimadii kasoo qeyb gashay kulanka.

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada u sheegay inuu ka rajeynayo in dadka loo bayaaniyo waxa ay shareecada Islaamku ka qabto dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale usoo jeediyay Culimada in ay dowladda siiyaan talooyin ku aaddan ka mira dhalinta la dagaallanka xagjirka iyo in la dhiso Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa Hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Sheekh Cismaan Usuuli oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qaadanayaan soo jeedinta madaxweynaha mar walbana ay u taagan yihiin bayaaninta xaqa, haddii ay ka gaabiyaanna maalinta qiyaamo lagula xisaabtamayo.

Sheekh Cismaan Usuuli” dagaalka aan ku jirno waa mid xaq ah, Xaqa inaan caddeyno ayaan halkaan u joognaa, haddii aanaan caddeyn wallaahi waa nala weydiinaa”.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in mideynta dowladnimada iyo diintu ay tahay mid wanaagsan, laguna daro dastuurkeenna mad-habta ay Soomaalidu haysato, dadkana loo fasiro waxyaabaha looga shaki gelinayo fahamka toosan.

Sheekh Maxamed Al Qudubi, ayaa ku baaqay in dagaalka Khawaarijtu ee dhanka Culimada uu noqdo mid ficil ah, haddii kale aan halkaa laga dhaqaaqi doonin.

”Dagaalka Khawaarijtu waa inuu ficil naga noqdaa, haddii kale halkaan ka dhaqaaqi meyno, waa halka qolo ee lagu murmo khawaarijtu ma islaambaa mise waa gaalo”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...