Guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta golaha Shacabka oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda

Date:

Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Daa’uud Aweys, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo masuuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka kala warqaadasho.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay diyaarinayaan, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan Shaqada Wasaaradda iyo xaalada guud ee wariyaasha Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...