[DAAWO+SAWIRRO] Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan  badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan la aqbalayn in askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaannada uu ka bilaabanaayo Koonfur-galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur-galbeed in ay dardar geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

Muqaalka oo dhamestiran

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...