Ciidamada Booliska Puntland oo gobolka mudug ka baadi goobaya Nin ku edeysan in uu dil u geystay masuuliyiin katirsan maamulkaas

Date:

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Nin ku eedeysan dilka laba qof oo masโ€™uuliyiin ahaa, kuwaas oo Maalmo ka hor lagu dilay degaanka Bursalax ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay raadinayaan nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay Degmadda Bursaalax ee Gobolka Mudug, kaasoo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Cumar Cigaal Cilmi ( Ina Cumar Jawaan).

Booliska oo Ninkaan baahiyay sawirkiisa isaga oo hubeysan ayay sheegeen in uu ku lug lahaa dil 15-kii Bishaan degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug Puntland loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Bursaalax C/raxmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...