MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HOSBITALKA GOBOLKA BAAY IYO GOOBO BARAKACAYAAL

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kormeeray Hosbital-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegayda caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira.
Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageysaty bahda caafimaadka iyo maamulka Gobolka ayaa faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa uu booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqollaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, ayna saameeyeen Abaaraha ka jira gobolka, iyadoo Madaxweynuhu uu la wadaagay sida ay dowladdu dadaal ugu bixisay gurmadkooda, ayna socoto abaabulka xoreynta deegaannada ay uga soo barakaceen dhibaatada iyo arxan-darrada argagixisada awgeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan, iyadoo Madaxweynuhu uu xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbrasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...