Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa warbixin ka siiyey Kaaliyaha guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Khawaariijta iyo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee ku wajahan xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M. ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo tilmaamay in hay’adda Qaramadda Midoobayn diyaar u tahay in Soomaaliya kala shaqayso qorshaha xasillinta iyo sidii dadka ku sugan goobaha la xoreeyay loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah iyo adeegyada assaasiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub CXD iyo Taliyihii hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la saxiixatay dowladda Denmark 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Wasaaradda Cadaaladda oo furtay tababar la xariiro mamulka Xabsiyada 

Agaasimaha Waaxda Asluubta ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka...

Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo gacanta kusoo dhigtay dhagar-qabe ka tirsan khawaarijta 

Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA,...