[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray hoolka uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta koonfor Galbeed

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Baydhabo u jooga furitaanka Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kormeeray qeybo kamid ah goobaha la dajiyay martida ka soo qeyb geleysa Shirka Dib u Heshiisiinta KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hogaaminayo Saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS ayaa indha indheeyay isla-markaana warbixin ka dhageystay masuuliyiinta loo xilsaaray soo dhaweynta martida iyo mas’uuliyiinta qeybta ka ah wufuuda ka qeyb galeeysa Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo loogu balansan yahay inuu ka furmo 16-ka Janaayo oo ku beegan maalinta beri ah.
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale booqday hoolka shirka uu ka furmaayo, isagoo warbixin ka qaatay Guddiga Farsamada oo ku jira diyaar garoowgii u dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...