[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray hoolka uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta koonfor Galbeed

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Baydhabo u jooga furitaanka Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kormeeray qeybo kamid ah goobaha la dajiyay martida ka soo qeyb geleysa Shirka Dib u Heshiisiinta KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hogaaminayo Saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS ayaa indha indheeyay isla-markaana warbixin ka dhageystay masuuliyiinta loo xilsaaray soo dhaweynta martida iyo mas’uuliyiinta qeybta ka ah wufuuda ka qeyb galeeysa Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo loogu balansan yahay inuu ka furmo 16-ka Janaayo oo ku beegan maalinta beri ah.
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale booqday hoolka shirka uu ka furmaayo, isagoo warbixin ka qaatay Guddiga Farsamada oo ku jira diyaar garoowgii u dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...