Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Qaabilay Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan iyo arrimaha horumarka iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey khawaarijta.

Danjire Steen ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaariijta, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda ay kala shaqayn doonaan sidii adeegyada assaasiga loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deeganada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa uga mahad celiyey Danjiraha iyo dowladda Denmark dedaalada taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed siiyaan ee dhinacyada kala duwan leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...