Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Qaabilay Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan iyo arrimaha horumarka iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey khawaarijta.

Danjire Steen ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaariijta, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda ay kala shaqayn doonaan sidii adeegyada assaasiga loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deeganada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa uga mahad celiyey Danjiraha iyo dowladda Denmark dedaalada taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed siiyaan ee dhinacyada kala duwan leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...