[DAAWO] Shirka guud ee 42-aad ee ururka warbaahinta Carabta oo ka furmay caasimadda dalka Tunis

Date:

Shirka Guud ee Warbaahinta Carabta ayaa ka furmay dalka Tunis, iyadoo Soomaaliya uu uga qeyb galayo Wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Sharma’arke Maxamed Warsame.

Sidoo kale madaxda shirkan kasoo qayb gashay oo isugu jira dhammaan agaasimayaasha warbaahinta dalalka Carabta iyo qaar ka mid ah madaxda warbaahinta dalalka Afrika, Yurub iyo Aasiya ayaa looga hadlay sidii warbaahinta Carabta iyo dalalka caalamka wadashaqeyn u lahaan lahaayeen.

Agaasime Sharma’arke Maxamed Warsame agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa intii uu shirka socday kulamo gaar ah la qaatay qaar kamid ah madaxda warbaahinta Carabta iyo qaar ka mid ah kuwa Yurub oo kala hadlay sidii xariir u yeelan lahaayeen Soomaaliya iyo dalalkaas dhanka warbaahinta ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...