Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto dowlada Soomaaliya

Date:

 

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah, oo gaaraysa 450 , isaga oo uga mahad celiyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed. “Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar”, ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan,.

Kulan gaar ah oo uu mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir la qaatay wasiirka waxbarashada Masar, Dr. Ridaa Xijaazi, ayuu wasiirku uga mahad celiyay kaalmada waxbarasho ee ay Masar siiso Soomaaliya, gaar ahaan macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Puntland. Wasiir Xijaazi ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macallimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan Dawlad Goboleedyada; sidoo kalana ay ka qaybqaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii, tani waxa ay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ay si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...