Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto dowlada Soomaaliya

Date:

 

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah, oo gaaraysa 450 , isaga oo uga mahad celiyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed. “Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar”, ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan,.

Kulan gaar ah oo uu mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir la qaatay wasiirka waxbarashada Masar, Dr. Ridaa Xijaazi, ayuu wasiirku uga mahad celiyay kaalmada waxbarasho ee ay Masar siiso Soomaaliya, gaar ahaan macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Puntland. Wasiir Xijaazi ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macallimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan Dawlad Goboleedyada; sidoo kalana ay ka qaybqaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii, tani waxa ay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ay si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...