MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY FURITAANKA SHIRKA SANNADLAHA AH EE GARSOORKA DALKA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka Federaaleynta Garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda.

“Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda caddaaladda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta caddaaladda.

“Labo Waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in nabadda iyo caddaaladdu ay aas-aas u tahay nolasha iyo dowladdnimada waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, codkooda iyo caqligoodana ay ku garab istaagaan xaqiijinta himiladooda ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...