Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah furay Shirweynaha Banbaxa gobolka Banaadir {Sawirro}

Date:

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahla Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maaşta si rasmi ah u daahfuray Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir Ivo Dowladda Hoose ee Xamar oo socon doono mudda 3-Cisho ah.
Ujeedada Banbaxa Gobolka Banaadir waxuu ku salaysanyahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan Maamulka sare, Agaasimayaasha iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka ee Magaalada Muqdisho, si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo in Gobolku yeesho aragti wadareed iyo Qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa Adeegyadda Bulshada ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay in la helo Qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee Gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in Banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeed si cad loo aqoonsan karo, sida xilalka, waajibaadka masuuliyadaha shaqaalaha iyo in si qoto dheer ah loo eego Xeerka Gobolka Banaadir isla markaana la waafajiyo shuruucda kale ee heer Federaal isla markaana la hindiso xeer-hoosaadyo Gobolku ku howl galo kuwii horena dib u qaabayn lagu sameeyo.
Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha Guud ee Maamulka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa si wadajir ah u xusay in shir weynahaan Banbaxa oo noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta Caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee Gobolka iyo islaxisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka Shaqo.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan daahfuray ayaa fariin dardaaran ah u diray madaxdii shirkan ka qeyb gashay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada, islamarkana aan la aqbali doonin Musuq-Maasuq iyo wax dabamarin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...