Ciidamada Isra’iil oo xabsiga dhigay muwadiniin Falastiiniyiin ah.

Date:

Ciidamada Isra’iill ayaa maanta oo Talaada ah xer-xeray 22 qof oo falastiiniyiin ah, kadib markii qeybo kamid ah Daanta Galbeed ay xoog ku soo galeen.
Waaxda Awqaafta Islaamka ee magaalada Quddus ayaa sheegtay in tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah laga qabqabtay gudaha Masjidka Al-Aqsa, halkaasi oo ay ku cibadeysanayeen.
Wararka aya sheegaya in Todoba ka mid ah dadka la xiray laga soo qabtay magaalada Beytu Umar ee woqooyiga Xebroon, halka Shan kalana laga soo qabtay gudaha Masjidu Al-Aqsa.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Falastiin, ciidamada Isra’iil ayaa xoog ku galay gudaha Masjidka Al-Aqsa, kuwaasi oo qaar ka mid ah dadkii halkaas ku cibaadaysanaya ka xeystay.
Ururada xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay Hey’adda Laanqayrta Cas in ay gacan ka geystaan joojinta tallaabooyinkan lagu dhibateynayo muwadiniinta reer Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay wafdi sare oo ka socday dowladda Algeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Maamulka degmada Garbahaareey

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi...

Kulan looga hadlayay la dagaalanka argagixisada oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa

Kulan socday muddo todobaad ah oo looga hadlaayay la-dagaalanka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Wafdigii ka socday Tansaaniya ee soo gaaray Soomaaliya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi , oo...