Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta XFS oo booqasho ku tegay Xarunta Qunsuliyadda ee Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Jidda

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha XFS, Mudane Cabadirashid Jire oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa maanta booqasho ku tegay Xarunta Qunsuliyadda ee Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Jidda ee dalka Sacuudi Arabia. Wasiirka waxaa xarunta Qunsuliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda iyo Diblomaasiyiinta Somaaliyeed ee ka howlgala xarunta, kuwaa oo la wadaagay habka ay u shaqeeyaan iyo horumarada ay sameeyeen.

Hoggaanka Qunsuliyadda ayaa Wasiirka uga warbixyay shaqooyinka kala duwan ee Howlwadeennada Qunsuliyaddu u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u soo adeeg doonta.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku bogadiyay shaqaalaha Qunsuliyadda habsimi u socodka shaqada Qaranka iyo adeegsiinta muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...