Wasiir Israa’iili ah oo amar ku bixiyay in calanka Falastiin laga dejiyo goobaha dadweynaha

Date:

Wasiirka cusub ee amniga qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan midigta-fog ayaa ku amray booliiska in calanka Falastiin laga dajiyo dhammaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Itamar Ben-Gvir waxa uu sheegay in calanka Falastiin uu ka luusho meelaha ay bulshadu ku kulmaan ay ka dhigan tahay fal “lagu taageerayo argagixisada”.

Wasiirkan ayaa dhawaan booqasho ku tegay masaajidka barakeysan Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.

Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tagay masjidka Al-Aqsa, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay ‘daandaansi halis ah oo sii hurinaya colaadda.

Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtia ayaa booqashada Itamar Ben-Gvir ee masjidka ku sheegay inay tahay tallaabo “xadgudub ku ah dhammaan mabaadii’da, qiyamka, xeerarka caalamiga ah, sharciyada iyo ballanqaadyada Israa’iil.”

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeen u hadlay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa booqashadiisa ku tilmaamay arrin “dambi ah” isagoo wacad ku maray in aaggaas uu sii ahaan doono dhul ay leeyihiin “Falastiiniyiinta, Carabta iyo Islaamka”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Bilawal Bhutto ayaa dhaleeceeyay booqashada wasiirka amniga ee Israa’iil ee Al-Aqasa, wuxuu yiri “Pakistan si adag ayay u cambaareynaysaa booqashadii aan dareenka lahayn ee daandaansiga ahayd ee uu wasiirka Israa’iil ku tagay Masjidka Al-Aqsa.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...