Wasiir Israa’iili ah oo amar ku bixiyay in calanka Falastiin laga dejiyo goobaha dadweynaha

Date:

Wasiirka cusub ee amniga qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan midigta-fog ayaa ku amray booliiska in calanka Falastiin laga dajiyo dhammaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Itamar Ben-Gvir waxa uu sheegay in calanka Falastiin uu ka luusho meelaha ay bulshadu ku kulmaan ay ka dhigan tahay fal “lagu taageerayo argagixisada”.

Wasiirkan ayaa dhawaan booqasho ku tegay masaajidka barakeysan Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.

Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tagay masjidka Al-Aqsa, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay ‘daandaansi halis ah oo sii hurinaya colaadda.

Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtia ayaa booqashada Itamar Ben-Gvir ee masjidka ku sheegay inay tahay tallaabo “xadgudub ku ah dhammaan mabaadii’da, qiyamka, xeerarka caalamiga ah, sharciyada iyo ballanqaadyada Israa’iil.”

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeen u hadlay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa booqashadiisa ku tilmaamay arrin “dambi ah” isagoo wacad ku maray in aaggaas uu sii ahaan doono dhul ay leeyihiin “Falastiiniyiinta, Carabta iyo Islaamka”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Bilawal Bhutto ayaa dhaleeceeyay booqashada wasiirka amniga ee Israa’iil ee Al-Aqasa, wuxuu yiri “Pakistan si adag ayay u cambaareynaysaa booqashadii aan dareenka lahayn ee daandaansiga ahayd ee uu wasiirka Israa’iil ku tagay Masjidka Al-Aqsa.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...