Golaha Shacabka BFS oo maanta xarunta Villa Hargaysa ku yeeshay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

Date:

Muqdisho, Janaayo 9,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 9-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer-Hoosaadka Anshaxa iyo Xasaannadda Mudaneyaasha Golaha Shacabka Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa xildhibaannada u sharaxay xaadiridda fadhiyada Golaha, iyadoo uu sheegay in muhiim ay tahay isla-markaana Mudaneyaasha Golaha la doonaayo inay ka shaqeeyaan sharuucda muhiimka u ah dalka.

 

Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka Golaha ayaa tilmaamay in laga soo shaqeeyo hindise sharciyeedyada loo qeybiyay Golaha lana soo xaadiro fadhiyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...