[SAWIRRO+DAAWO] Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Maanta qaabilay dhibane Deeqo Maxamed Makaraan

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan oo ah Hooyo dhashay sedex Caruur isla markaana la xanuunsan dhaawac dhinaca Lugta ah oo markiisa horey ku bilawday Jab, isla markaana gaaray heer aan gudaha dalka waxba loogu qaban karin.

Hoyo Deeqo Maxamed Makaraan ayaa baraha Bulshada soo dhigtay Muuqaal damqasho lahaa kuna saabsan in ay la il-daran tahay xanuun dhaawac oo lugta ah, isla markaana aysan awoodin in caafimaad dibadda ah ay aado maadaama aan dalka waxba loogu qaban karin. Iyadoona muuqaalkaasi ku codsatay in caawinaad loo fidiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Muuqaalkaasi ka daawaday Baraha Bulshada ayaa durbaba amray in lasoo baadi goobo hooyadaasi isla markaana xafiiskiisa loogu keeno, taasi oo suura-gelisay in maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar la keeno.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...