Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Wakiilka Midowga Afrika oo dhiirri galiyay Dagaalka Khawaarijta.{Sawirro}

Date:

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshidiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Awqaafta mudane Mukhtaar Roobow, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Jaamac Maxamed Khaliif, Wasiiru dawlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa maanta salaadii Jimcaha waxaa ay ku tukadeen masjid ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Khadiibka Jimcaha ayaa khudbadiisa mawduuc uga dhigay dawlad iyo shacabba in loo midoobo dagaalka xaqqa ah ee lagula Jiro kooxda Khawaarijta.

Kaqeybgalka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohamed El-Amine Souef ee salaadda Jimcaha ayaa farriin cad u ah haddallada beenta ah ee ay ku celceliyaan kooxda Khawaarijta oo ah in ay gaalo la diririyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...