Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Wakiilka Midowga Afrika oo dhiirri galiyay Dagaalka Khawaarijta.{Sawirro}

Date:

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshidiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Awqaafta mudane Mukhtaar Roobow, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Jaamac Maxamed Khaliif, Wasiiru dawlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa maanta salaadii Jimcaha waxaa ay ku tukadeen masjid ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Khadiibka Jimcaha ayaa khudbadiisa mawduuc uga dhigay dawlad iyo shacabba in loo midoobo dagaalka xaqqa ah ee lagula Jiro kooxda Khawaarijta.

Kaqeybgalka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohamed El-Amine Souef ee salaadda Jimcaha ayaa farriin cad u ah haddallada beenta ah ee ay ku celceliyaan kooxda Khawaarijta oo ah in ay gaalo la diririyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...