Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa oo ku sugan Dalka Kuwait ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwiet, waxaana uu la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Danjire Cabdullaahi Odawaa iyo diplomats-ka kale ee ka howl-gala Safaaradda.
Wasiirka ayaa Warbixin ka dhageystay Safiirka iyo xubnaha ee uu la kulmay, waxaana uu ku bogaadiyay dadaalkooda Shaqo iyo shaqada ay u hayaan Jaaliyadda Soomaaliyed.
Sidoo kale Wasiir Beenebeene wuxuu Madaxda Safaaradda ku ammaanay sida uga shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadda reer Kuwait, iyo wada shaqaynta xooggan ee kala dhaxayso bulshada.