Khawaarij oo jab xoogleh lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay Hilowle gaab.

Date:

Kooxaha Khawaarijta ah ayaa saaka Weerar ku soo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan cadowga laga xoreeyay waxaana ka dhashay dagaalkaas Khasaare kala duwan.

Qaraxyo ayay Khawaarijtu subaxnimadii ku qadeen magaalada ka dibna waxaa ay is farasaareen xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka oo la socday dhagarta Khawaarijta halkaas oo cashar loogu dhigay waxaana lagaga dilay dagaalka maleyshiyaad aad u badan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow {Axmed Daaci} oo ku sugan deegaanka ayaa u waramay Warbaahinta Qaranka isaga oo sheegay in Khasaare xooggan cadowga lagu gaarsiiyay dagaalka hadana la sii baacsanayo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Khawaarij aan laga hari doonin inta laga saarayo dhulka howdka ah ee weerarka ay ka soo qaadeen si mar kale aysan u dhicin in dagaal ay ku qaadaan deegaanada nabadda ah ee laga xoreeyay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...