Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldageysa sanadguurada 59-aad

Date:

Wakaaladaha wararka waa hey’addo u xilsaaran ,uruurinta iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Sadex iyo tobankii  sano ee u dmbeeyay SONNA,waxay soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd wakaaladaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ah Shiinaha,Turkiga,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Raashiya iyo Bulgariya.

Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee  goboladaa iyo caalamka.

7–  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa gabagabadii  dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda.

Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay  u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in sanadkaan kisa kaler ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed...

Wasiirka Shaqada XFS oo daah furay shirka 4aad ee Kooxda farsamada ee Socdaalka Shaqaalaha

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Hawlaha Guud oo Kulanka la qaatay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta...

Madaxweynahe Xasan Sheekh oo kulan dhiirragalin ah la qaatay Asad Xaajiyow

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...