Ra’iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray xuska Aasaaska Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta ku beegan

Date:

-Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray xuska Sanadguuradii 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA,oo ku beegan maanta.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeey bahda wasaaradda warfaafinta oo uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,wasiir ku-xigeenka,Agaasimaha guud,Agaasimaha Wakaaladda SONNA iyo guud ahaan shaqaalaha ka hawlgala Wakaaladda SONNA,isagoo faray in ay sii laba jibaaraan hawsha baaxadda weyn ee nafhurnimadda leh oo u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Wakaaladda SONNA, ayaa la aasaasay 5-tii Janaayo sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah,balse wakaaladda ayaa door weyn ka qaadatay in ay bulshadda iyo mida caalamkaba la wadaagto fariimo ay fahmi karaan iyadoo gobolada iyo degmooyinka dalku ay sugi jireen wararka SONNA iyadoo lagu xasuusto beri samaadkii Heestii odhan jirtay.

Wagareey ka waasacan
Wax la yaab leh weeyaan
Sida wariye SONNA ah
Wiilkan soo hadlaayoow
Ma wadaagno sheekee
Colka waraf ma lagu dayay.

Wakaaladda Wararka SONNA waxay u xilsaaran tahay gudbinta Fariinta Dowladda iyo dagaalka ka dhanka khawaariijta,waxayna wada shaqayn toos ah la leedahay Wakaaladdaha waaweyn ee caalamka oo si joogto ah u xigta wararka iyo xogaha ay baahiso SONNA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...