Madaxweynaha hirshabeele cali Guudlaawe oo tacsi u direy qoysaska iyo qaraabadda dadkii ku shahiidey qaraxa maxaas .

Date:

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada cadowga ah ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khawaarijtu ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Khawaarijtu ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo Khawaarijta alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...